Wasiir reer Koonfur Galbeed ah oo loo doortey Xildhibaan

Image
Xasan Eelaay ayaa helay 74 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod

KISMAAYO, Jubaland - Jubbaland ayaa fulisay heshiis ay la gashay maamulka maamulka Koofur Galbeed kaas oo xeerinayay kala bedashada laba kursi oo kala yaalla Kismaayo iyo Baydhabo ka dib wada hadal Axmed Madoobe iyo Laftagareen ku yeesheen xarunta gobolka Jubba hoose dabayaaqada sanadkii tagay.

Doorasho ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee maanta lagu qabtay Kismaayo ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo ah wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed, isaga oo ku soo baxay kursiga HOP 126 oo uu horey ugu fadhiyey Maxamed Xasan Idiris Ganey.

Xasan Eelaay ayaa helay 74 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod, sidoo kale  waxaa halaabay 5 cod.

Tani ayaa ka dhigan in Axmed Madoobe uu kasoo baxay ballantii uu la galay Cabdicasiis Lafta Gareeb oo horey ugu booqday Kismaayo, sababo la xiriira doorashada kursigaasi.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galayaa kuraasta kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa horay u qabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar kuwa deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Guud ahaan lixda magaalo oo ay ka socoto doorashadda dadban, ee Gollaha Shacabka waxaa kasoo yeeraya cabasho badan iyo eedo loo jeedinayo mas’uuliyiinta howsha doorashadda gacanta ku haya xili dalka ka jiro khilaaf iyo loolan awoodeed oo kusoo biyo shubanayo doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM