Wasiir reer Koonfur Galbeed ah oo loo doortey Xildhibaan

Image
Xasan Eelaay ayaa helay 74 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod

KISMAAYO, Jubaland - Jubbaland ayaa fulisay heshiis ay la gashay maamulka maamulka Koofur Galbeed kaas oo xeerinayay kala bedashada laba kursi oo kala yaalla Kismaayo iyo Baydhabo ka dib wada hadal Axmed Madoobe iyo Laftagareen ku yeesheen xarunta gobolka Jubba hoose dabayaaqada sanadkii tagay.

Doorasho ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee maanta lagu qabtay Kismaayo ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo ah wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed, isaga oo ku soo baxay kursiga HOP 126 oo uu horey ugu fadhiyey Maxamed Xasan Idiris Ganey.

Xasan Eelaay ayaa helay 74 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna helay 21 cod, sidoo kale  waxaa halaabay 5 cod.

Tani ayaa ka dhigan in Axmed Madoobe uu kasoo baxay ballantii uu la galay Cabdicasiis Lafta Gareeb oo horey ugu booqday Kismaayo, sababo la xiriira doorashada kursigaasi.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galayaa kuraasta kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa horay u qabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar kuwa deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Guud ahaan lixda magaalo oo ay ka socoto doorashadda dadban, ee Gollaha Shacabka waxaa kasoo yeeraya cabasho badan iyo eedo loo jeedinayo mas’uuliyiinta howsha doorashadda gacanta ku haya xili dalka ka jiro khilaaf iyo loolan awoodeed oo kusoo biyo shubanayo doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM