Wasiir shaaciyay inay jiraan Saraakiil dowladeed oo Xogta dagaalka la wadaaga Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xamse Cabdi Barre Cumar Cali Cabdi ayaa daboolka ka qaadey in ay ku jiraan dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Saraakiil sare oo xogaha howlgallada militeri toos ula wadaaga ama ugu dira Al-Shabaab.

Wasiiru-Dowlaha ayaa xusay inay dowladda wado baaritaan ku aadan Saraakiisha uu sheegay inay la shaqeyso Al-Shabaab, islamarkaana laga qaado doono tallaabo ay ugu horeyso in laga xayuubiyo darajoojinka ay leeyihiin, lagana saari doono diiwaanka Ciidamada.

"Saraakiil dowladeed oo shaqada laga fariisiyay ayaa xogaha siiya Al-Shabaab, waxayna la wadaagaan sirta dagaalka iyo howlgallada socda," ayuu yiri Cumar Cali, oo difaaca iyo taageeradda dowladda Xasan Sheekh xilka loogu dhiibay dhawaan.

Hadalkan ma ahan wax ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed oo horey u ogaa inuu jiro dhex-gal ay Al-Shabaab ku sameysay hay'adaha dowladda, Ciidanka iyo xafiisyada muhiimka ah, taasoo u sahlaysa kooxda inay hesho xogaha sirta ah, oo kuwa howlgallada militeri ay kamid yihiin.

Maalintii Jimcaha dowladda waxaa nawaaxiga Boos-hareeri oo katirsan Shabeellaha Dhexe lagu dilay Abukar Abdulle Raage Gar-Maqaate, oo kamid ahaa Saraakiisha sare ee Ciidanka dowladda. Waxaa la laayay askartii la socotay, iyadoo laga qaatay gaadiidkii dagaalka ay wateen.

Dowladda ayaa guul-darro kasoo gaartay dagaalka Shabeellaha Dhexe, oo deegaanadii horey uga saartay Al-Shabaab hadda qaar gacanteeda ka baxay, iyadoo kuwa kalena ay difaaci la'day, oo weeraro joogto ah ku socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM