​Wasiir u hogaansami waayay go'aan looga reebay doorashada Aqalka hoose

Image
Image
Image
Image
Image

JOWHAR, Somalia- Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Somalia, Maxa'ed Cabdullaahi Nuux, ayaa lagu doortay Doorasho saakay ka dhacday magaalada Jowhar, ee xarunta mamaulka Hir-Shabeelle.

Wasiirkan la doortay oo Guddiga Doorashada Heerka Federaal uu Arbacadii ka reebay tartanka kursiga beeshiisa, ayaa kusoo baxay 45 Cod, oo uu uga guulaystay Gabar  lagu magacaabo Hindiya Cabdullaahi Cumar.

Codayntii saaka ka dhacday Jowhar, ayaa noqotay mid aan horay uga dhicin maamullada dalka Somalia, waxaana goob joogayaal la hadlay GO, sheegeen in xilli hore saaka la jarmaadiyay Ergada oo horay loo soo xulay dabadeena wax u eg doorasho ka dhacday hoolka lagusoo xulayay Xildhibaanada.

Gudiga Doorashada maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka biyo diiday amarka Guddiga Heerka Federaalka, oo ahaa in Wasiir Nuux iyo Musharaxa kale Axmed Sheekh Nuur (Cirro) ka dambeeyeen Fowdo ka dhacday Hoolka Doorashada Jowhar 18-kii November.

Sababta Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Nuux looga joojin waayay Doorashada ayaa lagu sheegay inay tahay in uu taageero ka haysto Madaxtooyada Soomaaliya isagoo la mabda'a ah xisbiga siyaasadeed ee madaxweynaha Somalia.

Lama oga sida uu noqon doono dib u doorashada wasiirka laga reebay loollanka, waxaana isha lagu hayn doonaa tallaabada ay qaadaan guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Doorshada Jowhar waxaa kaloo kusoo baxay Cabdicasiis Saalax Carmaan, oo ku guulaystay Kursiga Beesha Carab Soomaali, oo dhawaan laga soo wareejiyay Doorashada Beelaha Banaadiriga ee Muqdishu.

Carmaan, waa ku xigeenka Wasiirka Beeraha ee Xukuumada uu Waqtiga ka dhacay.

Beesha Carab Soomaali ayaa ku eedaysay Villa Somalia in Kursigaasi si qasab ah uga qaadatay, oo u wareejisay Jowhar, halkaasi oo ay sheegeen in la geestay Ergo iyo Musharax taabacsan siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM