Golaha wasiirada maamulka Galmudug oo lagu dhawaaqey

Image

28 August, 2015 (GO)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikarim Xusen Guled ayaa caawa shaaciyay liiska golahiisa wasirada oo ka kooban 24-Wasiir, 24 Wasiir kuxigeen iyo afar Wasiiru dowle.

Wasiradan ayaa looga dhawaaqey munasabad ka dhacdey degmada Cadaado, waxaana goob ka ahaay qaar ka mid ah xildhibanada maamulka Galmudug iyo masuliyiin kale.

Xubnaha uu soo magacabey Madaxweynaha Galmudug waxa ka dhex muuqda rag ka tirsan maamulka Ahlusunna oo shalay hishiis ku kala saxiixdeey degmada Cadaado.

Barlamanka Galmudug ayaa dhawaan 15 cisho oo dheeri ah siiyay Cabdikarim Xusen si uu u soo dhiso golahiisa xukuumadda maadama ka dhammatey 45 cisho oo loo qabtey.

Hoos ka akhriso magacyada wasiirada,wasiiro ku-xigeenada iyo wasiir-dawlayaasha Galmudug

 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM