Wasiirada oo la dul-dhigay amar laga doonayo in ay deg-deg ku fuliyaan

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka horyaala Golaha Wasiirrada iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda ah, si loogu guuleysto ka miro dhalinta qorshaha xukumadda ee ku salaysan ku u adeeggidda bulshadda iyo sareysta sharciga .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in si dhaqso ah ay shaqooyinkooda u guda galaan, xilalkana ula wareegaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray, loona fuliyo qodobadii ku jiray barnaamijka Xukuumadda ee baarlamaanku ansixiyey.

“Waxaa Alle mahadii ah inaan yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii maanta la dhaariyay golaha cusub, waxaana idinka rajeynayaa inaad xilalka si deg deg ah ula wareegtaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray”.ayuu yiri R/W Maxamed Xuseen.

Xukuumadda Soomaaliya

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM