Wasiirka amniga dowlada Puntland oo eedeeyn u jeediyey DF

Image

15 August, 2015 (GO)- Wasiirka wasaarada amniga dowlada Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qar-jab" ayaa maanta xafiiskiisa shir jiraa'id uu ku qabtay waxaa uu kaga hadlay xaaladda amaanka Puntland halka ay marayso, isagoona rajo fiican ka muujiyay.

Qarjab ayaa soo hadal qaaday Puntland xuquuqda kaga maqan dowladda Soomaaliya taasoo uu sheegay inaysan helin xuquuqahaas "Waxaa laysku raacay in DFS aysan wax cadaalad ah aysan ka shaqayn, umada Soomaaliyeed-na magaceeda ku qaraabanayso, iyadoona ay dhici karto gobollo aan shuruudaha buuxin dhaqaalaha dalka lagu bixiyo".

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday carqalado uu sheegay inay wadaan maamulada Koonturta dalka ka dhisan isagoona sheegay in laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho taasoo ay ujeedadeeda ku sheegay sidii dadka layskugu diri-lahaa

Wasiirka wasaarada Amniga dowlada Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qar-jab" ayaa ugu danbayntii shacabka reer Puntland ku booriyay inay ka laamaha amaanka kala shaqeeyaan adkaynka amaanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM