Wasiir Islow oo hortagaya Gollaha Shacabka [Akhri]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre Maxamed Abukar Islow ayaa maanta hortagaya Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ayaa horgeynaya Xildhibaanada Hindise sharciyeedyada la dagaalanka Argagaxisada iyo xakaameynta hubka wax dila, kuwaasi oo dhawaay ay soo meel-mariyeen Gollaha Wasiiradda Soomaaliya.

Islow ayaa sharaxaad ka bixin doono labada sharci, ee wasaaradiisu ay soo diyaarisay, waxaana Gollaha shacabka marsiin doonaa akhrinta kowaad, iyadoo kadib lagu wareejin doono gudiga difaaca iyo amniga ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in labada hindise sharciyeed ay muhiim u yihiin sugida amniga dalka, maadaama dalka aysan ka jirin sharciyo lagu xameynayo hubka iyo midka la dagaalanka argagaxisada.

Tan iyo markii la magacaabay Wasiirka Islow horaantii sanadkan waxaa dalka, gaar ahaan Muqdisho ka dhacay qaraxyo waaweyn oo uu kamid ahaa midkii Isgoyska Zoobe 14-kii bishii October, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 400 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM