Wasiir Islow oo hortagaya Gollaha Shacabka [Akhri]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre Maxamed Abukar Islow ayaa maanta hortagaya Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ayaa horgeynaya Xildhibaanada Hindise sharciyeedyada la dagaalanka Argagaxisada iyo xakaameynta hubka wax dila, kuwaasi oo dhawaay ay soo meel-mariyeen Gollaha Wasiiradda Soomaaliya.

Islow ayaa sharaxaad ka bixin doono labada sharci, ee wasaaradiisu ay soo diyaarisay, waxaana Gollaha shacabka marsiin doonaa akhrinta kowaad, iyadoo kadib lagu wareejin doono gudiga difaaca iyo amniga ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in labada hindise sharciyeed ay muhiim u yihiin sugida amniga dalka, maadaama dalka aysan ka jirin sharciyo lagu xameynayo hubka iyo midka la dagaalanka argagaxisada.

Tan iyo markii la magacaabay Wasiirka Islow horaantii sanadkan waxaa dalka, gaar ahaan Muqdisho ka dhacay qaraxyo waaweyn oo uu kamid ahaa midkii Isgoyska Zoobe 14-kii bishii October, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 400 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM