Wasiirka arrimaha dibada Turkiga oo kusoo wajahan Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa lagu waddaa in uu soo gaaro caasimadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay illo diblumaasiyadeed oo aad loogu kalsoon yahay u sheegeen warsidaha Garowe Online.

Cavusoglu oo 53-sano jir ah ayaa, sidda ay xogaha muujinayaan, wuxuu socdaalkiisa salka ku hayaan xoojinta kaalin ay xukuumadda Ankara ka cayaarto isu-soo-dhaweynta dhinacyada ku lugta siyaasada Soomaaliya.

Mudada uu ku sugan yahay Muqdisho, wasiirka ayaa la filayaa in hogaanka dowladda federaalka ee muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey wuxuu kala hadli doonaa adeegsiga ciidamadda Turkiga uu tababaray.

"Maadaama madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo uu dardargeliyey in uu askarta u isticmaalo arrimo ka baxsan waxyaabaha loo tababaray arrintaasoo Beesha Caalamka ay cadaadis ku saartay Turkiga, wasiirka waxaa la filayaa in uu madaxda dowladda federaalka hadlo sidii ay wax uga bedeli lahaayeen dhaqankaas," ayay sheegeen ilaha xogta siiyey mareegga GO.

Todobaadkii hore, Cavusoglu oo u waramay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Turkiga wuxuu si cad u caddeeyay rabitaanka dowladdiisa ee ku aadan in ay u kala dab-qaado dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya.

Dhawaqaas ayaa kusoo hagaagay xilli lagu waddo in Muqdisho uu ku qabsoomo shir u dhaxeeya Dowladda federaalka iyo maamuladda kaasoo diblumaasiyiinta caalamka u agaasimeen soo afjarida kala taag-taaga haatan taagan.

Ankara oo afartii sano ee lasoo dhaafay gacansaaro dhow la lahayd maamulka ee Farmaajo ayaa Soomaaliya u aragta xulafo muhiim ah, waxaana ay dooneysaa in joogitaankeeda ay kusii balaariso ku lug-lahaanshiyaha xalka is-mari-waaga haatan ka taagan doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM