Wasiirka arrimaha dibada UAE oo booqdey Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ayaa qaabiley wasiirka arrimaga dibada Imaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo wafdi uu horkacayo oo maalintii Axadda June 8,2015 booqdey magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh ayaa dowlada Imaraadka Carabta uga mahad celiyey doorka ay ka qaadato tageerada ay u fidiso shacabka Somalia taasoo la xiriirta xaga bini'aadnimada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

“Dowladda Somalia iyo shacabkeeda waxaa ku weyn, abaal weyna ay idin kaga hayaan, mashaariicda qiimaha leh ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ka fulinayso waddankan, waxayna taasi dhiirigelineysaa dadaalka ku aaddan dib u soo kabashada Somalia  ee dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sida loogu soo dhoweeyey dalka Somalia isaga oo shegeey in xiriirka labada shacab yahay mid taariikhi ah.

Booqashadaan ayaa ah middi ugu horeysay ee wasiir ka tirsan dowlada Imaraadka Carabta ku tago dalka Somalia tan iyo intii Somalia bilowdey kasoo kabashada dagaalada sokeeye.

Labada dhinaca ayaa waxaa dhexmarey kulamo labo geesood ah kuwaasoo ay ka qayb galeen wasiirada dowlada Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM