Wasiirka cusub ee Waxbarashada Puntland oo Garowe soo gaarey

Image

June 27, 2015 (GO)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Prof. Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa maanta soo gaarey islamarkaana si weyn loogu soo dhoweeyey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, xubno ka socdey bahda waxbarashada iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wasiirka si diirran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Prof. Abshir ayaa u mahadceliyeye dadkii soo dhoweyntiisa ka qayb qaatay, wuxuu sidoo kale   Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uga mahadceliyey xilka uu usoo magacaabay.

Wasiirka ayaa kasoo kicitimay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka halkaasoo uu ku noolaa muddooyinkii ugu dambeeyey isago wax ka dhigi jirey qaar kamid ah Jaamacadaha Maraykanka. Kahor burburkii dowldda dhexe, wuxuu bare ka ahaa Jaaamacaddii Lafoole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM