Wasiirka difaaca Itoobiya oo ku sugan Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Caa’isha Maxamed, ayaa maanta oo Khamiis ah wafdi hoggaaminaysa magaalada Muqdisho, taasoo muujineysa dadaal diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo u dhaxeeya labada dal ee deriska ah ee Geeska Afrika oo khilaaf uu soo kala dhexgalay tan iyo markii la saxiixay heshiiska muranka dhaliyay ee badda 2024-kii.

Booqashadan ayaa timid ka dib markii ay cirka isku sii shareertay xiisad ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya ay la gashay maamulka la baxay Somaliland, taasoo Itoobiya u ogolaatay inay gasho badda cas. Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay heshiiskaas, waxayna u aragtay mid xadgudub ku ah qaranimadeeda.

Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay in la dhaqan geliyo heshiiskii Ankara ee dhawaan dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana looga wada hadlayaa sidii ciidamada Itoobiya ay ugu biiri lahaayeen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Joogitaanka ciidamada Itoobiya oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3,000 oo askari oo kamid ahaa ATMIS iyo kuwa kale oo heshiis amni ku howlgalayay oo illaa 7,000 lagu qiyaaso, ayaa waxaa ka dhashay muran badan, iyadoo Somaliya ay horay ugu hanjabtay inay dalka ka saarayso 31-ka December 2024 balse aysan taasi dhicin.

Wadahadalka wafdigan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga amniga, iyadoo labada dal ay muujiyeen rabitaan ah in laga gudbo burburka ku yimid xiriirka diblomaasiyadeed. Booqashadani waxay timid xilli muhim ah oo lagu qaboojinayo xiisadaha gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhanka ah khataraha amniga ee la wadaago, oo ay ku jiraan caqabadaha joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab.

Masar waxa ay sidoo kale muujisay taageerada mowqifka Soomaaliya, iyada oo ballan qaaday in ay ku biirinayso in ka badan 5,000 oo askari AUSSOM, taas oo muujinaysa danta guud ee gobolka kaleedahay, iyadoo u maraysa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM