Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO - Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa booqday xarunta Qeybta 3-aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Taliyaha Qeybta 3-aad, Teklu Hurisa Janka, isaga oo ka dhageystay warbixin ku saabsan hawlaha qeybta, horumarka hawlgallada iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AUSSOM ee ka hawlgala deegaannada Koonfur Galbeed. 

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay ciidamada Itoobiya doorka ay ku leeyihiin taageeridda hawlgallada ciidanka qaranka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda sii xoojinta hawlgallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada. 

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka, gaar ahaan howlgalka AUSSOM, si loo dardargeliyo guulaha laga gaarayo la-dagaallanka argagixisada iyo xoojinta hawlgallada wadajirka ah. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM