Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa meesha ka saarey in uu ku lug-leeyahay warqadii dooda dhalisay ee dhowaan uu baahiyey telefishinka Qaranka.

Maareeye oo war-saxaafadeed dheer soo qoray ayaa sheegay in wararkaas ay gedaal ka riixayaan dad uusan magacaabin dano siyaasadeed leh isla markaana "cuqdad u haya isaga shaqsi ahaantiisa".

Xilli bayaankiisa uu ahaa mid uu luuqad adag ku adeegsaday, shacabka Soomaaliyeed ayuu cod dheer kaga codsadey in aysan dhageysan "dadkaas sidda xun u adeegsada baraha bulshadda".

Warqadda fadeexada gelisay telefishinka qaranka ee galaaftay tifaftirihii Tv-ga oo ahayd xayeysiis shaqo ayaa waxaa lagu baadigoobayey laba gabdhood oo leh xirfad warbaahineed.

Faysal Muuse, tifaftirihii SNTV oo dowladdu shaacisay in xilka laga qaadey, ayaa dhankiisa tilmaamay in uu isagu is-casilay "kadib markii leysku dayey in dusha loo saaro qalad uusan isagu lahayn".

Dadweynaha iyo wariyeyaasha ka caroodey iidhehda ayaa xusay in ay ku jireen "erayo xun" oo loogu gefay haweenka Soomaaliyeed. Waxay sheegeen in xayeysiiska u qornaa in la doonayo "gabdho model ah".

Wasaaradda Warfaafinta oo dib u saxdey qoraalka ayaa raaligelin ka bixisay, waxayna sheegtay in "shaqaale uu si khaldan ku faafiyey warqadda isla markaana la marsiiyey anshax-marin, mana tusin magaca".

Hoos ka akhriso qoraalka Maareeye

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM