Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare DFS oo xilka la wareegtey

Image

Wasiirkii  hore ee Wasaaradaha Waxbarashada Mudane Ciise Maxamed Axmed Guraase iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Drs Khadar Bashiir Cali oo loo soo magacaabay xilkaas, waxayna Xafladu ka dhacday Xarunta Wasaarada Tacliinta Sare waxana ka soo qeyb galay Hanti dhooraha Qaranka Mudane Nuur Faarax Jimcaale iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka sidoo kale waxaa kasoo qayb galeen Madaxda Wasaarada Shaqaalaha hoose iyo marti sharaf kale.

Waxaa halkaas ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Prof Maxamed Cabdul Qaadir Nuur, waxa uuna sheegay in dhamaan shaqaalaha Wasaarada ay soo dhaweynayaan Wasiirka Cusub islamarkaana ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan isagoo xusan in Wasiirada Cusub Dr. Khadar Bashiir Cali ay horayba uga mid aheyd Wasaaradda Waxbarashada oo ay markale Wasaaradu soo dhaweyneyso Wasiirka Cusub.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Mudane Ciise Axmed Guraase ayaa sheegay in ay wax ka qabteen xagga manaahijta Waxbarashada dalka.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay inay gacan ka geysteen sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa sheegay inay sii amba qaadi doonto howlihii ay horey u qabteen Wasiiradii,waxaana madaxda kale ka codsaday inay garab ku siiyaan howlaha horyaalla. 

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM