​Wasiiro is-casilay xukuumadda Galmudug [Dhageyso]

Image

CADAADO, Somalia- Xubno katirsan golaha xukuumadda maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ku dhawaaqay inay shaqadii isaga tageen kadib markii ay la hadleen warbaahinta.

Wasiiru Dowlihii Wasaarada Qorsheynta ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Sayruuq), oo Shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa iska-casilay Xilka.

Sayruuq wuxuu sheegay in Maamulka Galmudug, uu noqday mid loogu adeego Dano Shaqsiyadeed, oo ka weecday Wadadii loogu talo galay ee ahayd inuu u adeego Shacabka doortay.

Madaxweynaha Galmudug ayuu ku eedeeyay inuu isku koobay awoodda, oo isaga oo kaliya la kulmo Hay'adaha Deeqaha biya iyo Safarada Dibadda ah, taasina ay aad u niyad jebisay Wasiirada oo mudo lacag la'aan ku shaqeynayay.

Dhinaca kale Cabdifitaax Maxamuud Axmed, oo ahaa Wasiirk ku xigeen Wasiirada Deegaanka, Dhirta iyo Daaqa ayaa sheegay in Warqada Is-casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, lagana aqbaly.

Cabdifitaax, ayaa ku sheegay sababta isku-casilay inay tahay mid Shaqsiyadeed.

Waa wasiirkii labaad oo muddo 24 gudaheed ah ku dhawaaqa inuu shaqadii ka tagay iyadoo maamulkaasi muddooyinkii dambe ku jiray dagaallo uu la galay Puntland iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM