Wasiiro kamid noqonaya xukuumadda Deni oo la dhaariyey

Image
Image
Image
Image
Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed ayaa dhaariyey xubnahan cusub.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro cusub oo kamid noqonayo xukuumadiisa.

Wasiiraddan oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa shalay oo Talaado ahayd waxay si rasmi ah loogu dhaariyey jagooyinkaas ay ugu adeegayaan dadweynaha.

Wasiirada cusub ayaa waxaa xarunta madaxtooyadda magaala madaxda Garowe ku dhex-dhaariyay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed.

Xubnaha la dhaariyey ayaa kala ah; wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Cabdiraxmaan Cali Axmed iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Mudane Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk).

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub alle uga baryay in uu u fududeeyo, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM