Wasiirrada Gaashaandhigga Masar iyo Soomaaliya oo ku kulmay Qaahira si ay u xoojiyaan iskaashiga milatari

Image

Qaahira — Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Janaraal Abdel Mageed Saqr, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, magaalada Qaahira, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga milatari iyo amniga Geeska Afrika.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa wada shaqeynta labada ciidan si looga hortago khataraha amni ee ka jira gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin argagixisada, burcad-badeedda, iyo xasilooni-darrada. Wasiirradu waxay sidoo kale ka wada hadleen qorshayaasha lagu taageerayo nabadda iyo xasilinta guud ee gobolka.

Masar ayaa qorsheyneysa inay ku biirto Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo horey u siisay Soomaaliya hub milatari si loo xoojiyo awooda ciidanka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay suurtagalnimada howlgallo milatari oo wadajir ah oo labada dal ay ka fuliyaan Geeska Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay kaalinta Masar ay ka qaadanayso taageerada nabadda iyo amniga, isagoo ku adkeeyay in iskaashiga labada dal uu yahay mid muhiim ah oo horseedi kara horumar iyo xasilooni gobolka dhexdiisa.

Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Masar, Liitenan Janaraal Axmed Xalifa, iyo saraakiil kale oo sarreeya, iyadoo labada ciidan ay haatan ku jiraan marxalad horumarineed oo ay ku jiraan tababaro ballaaran iyo qalabeyn milatari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM