Wasiirrada xukuumadii hore oo loo diidey inay dalka ka baxaan

Image

December 7, 2014 (GO)- Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowraha guud ee Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay inaysan ilaa amar dambe dalka ka bixi karin xubnihii Golaha Wasiirada ee shalay baarlamaanku kalsoonida kala laabtey.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir oo waraysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey sababta arintan ka dambeysa, wuxuuna sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay si laysula xisaabtamo islamarkaana loo ilaaliyo hantida qaranka.

Daahir ayaa sheegay in ay jiraan mas'uuliyiin badan oo horay wasiiro usoo ahaa, kuwaasoo markii xilka laga qaadey kadib dalka ka dhoofay iyagoon lala xisaabtamin islamarkaana diidey inay soo wareejiyaan hantida qalabka u badan ee ay ku shaqeynayeen.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in mas'uulkii doonaya inuu dalka dibadiisa u safro ogolaansho soo weydiisto madaxtooyada, xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo weliba hanti-dhowrka qaranka.

Amarkan oo ah kii ugu horeyey ee noociisa ah, wuxuu imaanayaa maalin kadib markii aqlabiyadda baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen xukuumadii uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 06:55AM

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM