Wasiirrada xukuumadii hore oo loo diidey inay dalka ka baxaan

Image

December 7, 2014 (GO)- Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowraha guud ee Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay inaysan ilaa amar dambe dalka ka bixi karin xubnihii Golaha Wasiirada ee shalay baarlamaanku kalsoonida kala laabtey.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir oo waraysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey sababta arintan ka dambeysa, wuxuuna sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay si laysula xisaabtamo islamarkaana loo ilaaliyo hantida qaranka.

Daahir ayaa sheegay in ay jiraan mas'uuliyiin badan oo horay wasiiro usoo ahaa, kuwaasoo markii xilka laga qaadey kadib dalka ka dhoofay iyagoon lala xisaabtamin islamarkaana diidey inay soo wareejiyaan hantida qalabka u badan ee ay ku shaqeynayeen.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in mas'uulkii doonaya inuu dalka dibadiisa u safro ogolaansho soo weydiisto madaxtooyada, xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo weliba hanti-dhowrka qaranka.

Amarkan oo ah kii ugu horeyey ee noociisa ah, wuxuu imaanayaa maalin kadib markii aqlabiyadda baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen xukuumadii uu hogaaminayey Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM