Wasiirro xilka laga qaaday dowladda Federaalka Somalia

Image

24 November, 2015(GO)-Digreeto ka soo baxday xafiiska Ra'isal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa xilal loogu magacaabay wasiirro cusub halka kuwa kale xilkoodii waayeen.

Wasaaradaha arrintani saamaysay, ayaa kala ah; Wasaaradda Ganacsiga iyo Warashada, Wasaaradda Korontada iyo Biyaha dowladda Federalka Somalia..

Cabdiraxmaan Cabdi Cusman, ayaa Ra'isal Wasaare Sharmake u magacaabay wasiirka wasaradda Ganacsiga, halka wasaaradda Korontada iyo Biyaha loo magacaabay Maxamed Xasan Aaden (Shaahiyow).

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa aqbalay magacaabista xubnaha cusub.

Arrintan ayaa timi xilli la fliyay in isku shaandhayn kooban lagu sameeyo golaha wasiirrada Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM