Waa kuma maareeyaha cusub ee Hay'adda Duulista Rayidka?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu Axmed Macalin u magacaabay in uu noqdon Maareeyaha guud ee Hay'ada Duulista Rayidka Soomaaliya.

Digreeto kasoo baxday Villa Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey magacaabida, iyaddoo loo rajeeyay in uu ku guuleysto waajibaadkiisa.

Cabdinur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda Qaranka, ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook kusoo bandhigay taariikh nololeedka mas'uulka cusub oo u dhaceysa sidda soo socota;

Waxbarashadiisa ayuu ku qaatay magaaladda Muqdisho, isaga oo kamid ahaa ardaydii ka aflaxday Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali.

Mudane Axmed Macalin Xasan sidoo kale wuxuu kamid ahaa Dufcaddii ka qalin jabisay Machadka Duulista Rayidka ee Soomaaliya sanadkii 1990.

Maareeyaha cusub wuxuu sanadkii 1999 sidoo kale shahaado ka qaatay Dugsiga Duulista Hawada ee Bariga Afrika.

Sanadkii 2011 ayuu Shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master Degree) ee Maamulka Duulista Hawada ku sameeyay London Metropolitan University.

Axmed Macalin Xasan wuxuu ka shaqeeyay Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta, Garoonka Caalamiga ee Kotoka ee magaalada Accra, Ghana iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan.

Waaya aragnimo 31 sano ah oo la xiriirta Duulista Rayidka oo 14 sano oo kamid ah uu la shaqeeyay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO ayuuna leeyahay.

Magacaabida ayaa kusoo hagaageysa xilli maanta uu Farmaajo saxiixay sharciga duulista rayidka Soomaaliyeed. Si lamid ah, waxay imaaneysaa xilli lagu eedeeyay dowladiisa in ay siyaasadeysay maamulka hawadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM