Webiga Jubba oo ku fatahay tuulooyin hoos taga Jamaame

Image

October 21, 2014 (GO)- Khasaare maaliyadeed oo badan ayaa ka dhashay fatahaad uu sameeyey webiga Jubba, kadib markii biyaha webigu cagta mariyeen gebi ahaan dalaggii beeraha ee deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Tuulooyinka webigu sida xooggan ugu fatahay khasaaraha maaliyadeed ee ugu badanna ka geystey waxaa kamid ah Makalaagow iyo Mashaqo oo labadooduba ah toolooyin hoos taga degmada Jamaame.

Sidoo kale waxay fatahaadda webigu ku khasabtay boqollaal qoys oo beeraley u badnaa inay guryahooda ka cararaan iyagoo cabsi ka qaba in biyaha webigu waxyeello soo gaarsiiyaan.

Ma jirto dad waxyeelo soo gaartey waxaana socda dadaalo ay wadaan maamulka Jamaame iyo dadweynaha oo iskaashanaya, dadaaladaas oo lagu doonayo in lagu xiro meelaha biyaha webigu kasoo jabeen.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii u dambeeyey cabsi laga qabey in webiga Shabeelle ku fataho magaalooyin ay kamid tahay xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyn.

Fatahaadaha labada webi ee Jubba iyo Shabeele sameynayaan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo todobaadyadii u dambeeyey ka da'ayey qaar kamid ah gobollada koonfureed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalkii Jameecada: Khasaare culus oo gaaray ciidamada dowladda federaalka

Dagaalka ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli Uganda ay ka digtay inay ciidamadeeda kala…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 09:10PM

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 05:40PM