Weerar cirka ah oo lagu dilay 8 ka tirsan ururka Al-Shabaab

Image

22 November, 2015(GO)-Diyaarad aan la aqoon cidda iska lahayd ayaa xalay weerar cirka ah ka gaysatay meel u dhaw tuulo lagu magacaabo Baladul Amiin ee gobolka shabeellaha hoose.

Weerarka oo lala beegsaday saldhig xarakada Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi ayaa lagu dilay 8 sarkaal oo ka tirsan kooxdaasi.

Dad gooob joogayaal ah oo ka agdhawaan goobta falkaasi ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay inay diyaaradda weerarka qaaday saldhigga la beegsatay saddex gantaal

Shakhsiyaadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan mas’uuliyiin ururka Alshabaab u qaabilsanaa deegaannada ku xeeran degmada ee arrimaha maleeshiyada iyo dacwada.

Maaha markii ugu horaysay weerar dhanka cirka ah lagu dilo xubno sar sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka dagallamada dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM