"Askar ajnabi ah" oo lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya

Image

GARBAHAAREY, Gedo – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta ammaanka.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, qaraxa oo ka dhashay miino ayaa ka dhacay afaafka saldhiga ciidamadda Itoobiya.

Maamulka gobolka iyo kan degmada oo shaaca ka qaadey in uu weerarku sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhawaajiyey in lagu dilay "dhowr askari oo ajnabi ah".

Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo mas'uuliyadda falkaas dusha saartay ayaa tibaaxay in ay ku dileen laba askari oo Itoobiyaan ah, isla markaana ay ku dhaawacmeen ku dhowaad afar kale.

Xiriiro lala sameeyay taliska ciidamada shisheeye oo la tilmaamay in ay hoostagaan howlgalka AMISOM ayaanan guuleysan.

Illo wareedyo dhanka amniga ah oo u waramay Garowe Online ayaa tibaaxay in askarta la beegsaday xili ay xerada kasoo baxayeen.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa la tilmaamay in ay isugu jiraan kuwa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika iyo cutubyo kale oo aan ka tirsaneyn, kuwaasoo dowladdu adeegsato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM