Weerar lagu qaaday Akoono Facebook ah xilli khilaafaad jiro Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afartan iyo sideeddii saac ee ugu dambeysay waxaa jiray weerar ballaaran oo lagu xirayo akoonada Facebook ee siyaasiyiin, wariyeyaal, iyo shaqsiyaad kale oo muhiim ah. Tani waxay dhacday xilli uu dalka Soomaaliya wajahayo khilaafaad siyaasadeed oo xooggan.

Sida xog la ururiyey ay muujineyso, weerarkaan lagu xirayo akoonada Facebook ayaa waxaan ku jirin madaxda dowladda federaalka, golaha wasiirrada, iyo dhammaan dadka ka taageera siyaasadda Villa Somalia baraha bulshada, gaar ahaan Facebook.

“Akoonada la xirayo waxaa loo isticmaalaa labo hab: In qofka la helo dokumentigiisa socdaalka kadibna laga sameeyo xarun caafimaad waraaq cadeyn dhimasho oo loo gudbiyo Facebook, ama in akoonada leh ammaan hoose si fudud loo saaro hawada,” ayuu u sheegay Garowe Online qof ku takhasusay culuunta tiknoolajiyadda.

Xadgudub Dastuuri Ah

Dowladda Federaalka ayaa weli wax war ah kama soo saarin dhacdadan, iyadoo ay jiraan akoono lagu diiwaangeliyey in milkiilayaashoodu geeriyoodeen, taas oo noqoneysa xadgudub ka dhan ah dastuurka. 

Dadka La Bartilmaameedsaday

Dadka la bartilmaameedsaday waxaa kamid ah Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda Puntland. Qaarkood waxaa si ku meel gaar ah loo xanibay akoonadooda halka kuwa kale gabi ahaanba loo diiwaangeliyey in ay dhinteen.

Akoonka Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Puntland ayaa muddo kooban kadib dib ugu soo laabtay hawada, kadib markii farsamayaqaannada xafiisyadoodu ay dadaal sameeyeen.

Dadka kale ee si joogtada ah u dhaliili jiray dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo akoonadooda Facebook la xirey ama lagu qorey iney dhinteen waxaa ka mid ah Cali Yare Cali.

Facebook weli kama aysan hadlin dhacdooyinkan. Dadka aqoonta u leh cilmiga tiknoolajiyadda (IT) waxay qabaan in Facebook ay jiraan cilado dhinaca xafididda xogta qofka oo u oggolaanaya qof kale in uu geeri ku diiwaangeliyo qof aan dhiman, iyadoo aan la hubin saxnimada macluumaadka ruuxa falka ku kacaaya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM