​Weerar lagu qaaday Saldhigga AMISOM ee degmada Qoryoolay

Image

QORYOOLEY, Somalia- Dagaalyahano katirsan ururka Al Shabaab ayaa Xalay Fiidkii waxay Weerar Madaafiic ah ku qaadeen saldhigyo military, oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qof kamid ah Dadka deegaanka, oo la hadlay GO ayaa xaqiijiyay in Al shabaab ay Tiro hoobiyaal ah ku garaaceen farisamaha AMISOM ee duleedka bari degmada Qoryooley.

AMISOM ayaa waxay ku jawaabeen madaafiic culus, kuwaasi oo ku dhacay gudaha degmada, waxayna geesteen khasaaraha isagu jiro dhimasho iyo dhaawac, sida aan kasoo xiganay dadka deegaanka.

Ugu yaraan 3 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay Duqeynta ay is-waydaarsadeen AMISOM iyo Al shabaab ee ka dhacday degmada Qoryooley, oo 120KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Muqdishu.

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socdo dalka Uganda ayaa la sheegay inay leeyihiin saldhigyada la weerarey ee ku yaalla duleedka Qoryooley.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda Weerarka Qoryooley, kaasi oo ay xuseen inay ku dileen 10 Askari oo kamid ahaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ku dhintay dagaal gudaha degmada ka dhacay.

Xaaladda degmada Qoryeelay ayaa iminka dagan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM