Weerar mas'uul lagu dilay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dabley hubeysan ayaa weerar ku ekeysay guriga uu mas'uul dowladeed ka degan yahay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Cabdi Axmed Yuusuf, gudoomiye ku xigeenka amniga maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in hoyga ka beegsaday uu degan yahay Gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda degmada.

Sidda laga soo xigtay Yuusuf, waxaa weerarkaas ku geeriyooday mas'uulka, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad saddex ruux kale.

Aabihii iyo hooyadii ayaa kamid ah dadka dhaawacmay, halka laba wiil kale oo qoyska kamid ahaa aanan lagu hayn raq iyo ruux.

"Weerarka wuxuu isugu jiray mid toos ah oo rasaas loo adeegsaday iyo bam-gacmeed," ayuu u sheegay Raadiyaha Kulmiye ee Muqdisho, isagoo ka gaabsaday in uu bixiyo fahfaahin ku aadan cidda ka dambeysay.

Wuxuu ku daray: "Waxaan gelin doonaa baaritaan, kadib waxaan natiijadda lasoo wadaagi doonaa warbaahinta iyo cidda ay khuseyso".

Sababaha adkeynaya in la ogaado cidda ka dambeysay weerarkaan waxaa kamid ah in Wanlaweyn ay ka jiraan colaado u dhaxeeya beelo iyo maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Cumar loona garan ogaa [Koosta] ayaa ahaa ku-simaha guddoomiyaha degmadda Wanlaweyn ee hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM