Weerarkii Xabsiga Muqdisho: Siduu u ahaa riyo run u noqotay Al-Shabaab?
MUQDISHO, Soomaaliya – Weerarkii 10-kii bishaan August ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho wuxuu ahaa riyo u rumowday sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, sidda ay muujinayaan macluumadyo cusub oo baaritaan ku saleysan.
Sidda uu tabiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA Somali, Ibraahim Maxamuud Maxamed [Gamaa'diid] oo muddo ku taamayey in uu beegsado jeelka ugu weyn Soomaaliya ayaa lahaa abaabulka iyo naqshadeynta falkaas.
Gamaa'diid oo ahaa qofkii dalbay hubka loo dusiyey maxaabiista ayay ciidanku soo xireen 7-dii May, 2018-kii. Kahor qabashadiisa, wuxuu Muqdisho ku joogay in uu Al-Shabaab kasoo baxsaday iskuna soo dhiibay eheladiisa.
Inkasta oo ciidanku ku qanceen sheegashadaas, tuhunka ah in uu weeraro qorsheynayo ayaa mar walba taagnaa taasoo aakhiritaankii lagu helay, waxaana lagu xukumay 15-sano oo xarig ah, isagoo loo diray Jeelka.
Hase ahaatee, xukunkaas kama hor-istaagin in uu ka dhabeeyo riyadiisa. Maaj, 2019 waxaa xabsiga dhexe la geeyay nin ka ganacsada Forex kaasoo lix bilood loogu soo xukumay in uu afar muwaadin ka dhacay $35-kun.
Ka ganacsiga qudaarka sidda Basbaaska, Liinta iyo Hilib oo shaqsigaas uu Galka Baarista baahin magaciisa ka dhex-bilaabay jeelka waxay fursad u noqotay Gamaa'diid oo u adeegsaday in hubka ay soo gaaraan kooxdiisa.
8-dii August, jawaan Liin ah baa loogu soo qariyey 4 bastoolado, ugu yaraan 7 bastoolad iyo rasaas. Gamaa'diid wuxuu u arkay in rasaasta ku yar-tahay; 10-kii August baa hilib iyo gasacado caano loogu soo qariyey rasaas kale.
Ma cadda hadii ganacsadaha ay magaciisa u isticmaaleen in hubka loogu soo dusiyey agabyaddaas uu go'aan iskiisa ah kula shaqeeyay maxaabiista maleyshiyada Al-Shabaab ee weerarka fulisay ama in la handaday.
Rasaastii u dambeysay waxay soo gaartey subaxda 10-kii August, maalinta weerarka dhacayo gaar ahaan gelinkii dambe. Sababta u dedejiyeen howlgalkooda wuxuu ahaa in habeenkii lagu sameyn lahaa baaritaan laba maalinle ah.
Magacyadda caawiyey Gamaa'diid
Dowladda oo qirtay in hubka loo dusiyey maxaabiista ayaa sheegtay in ay u xirtey 12 saraakiil oo ay ku jiraan taliyaha xabsiga iyo ku xigeenkiisa, lix shacab ah iyo 9 maxaabiis kale. "Fududeyn ama dayac waajibaad" baa loo haystaa.
Gamaa'diid waxaa howlgalka in uu u miradhalo ku caawiyey maxaabiis kale oo Al-Shabaab kamid ahaa. Shaqsiyaadkan magacyadooda la helay waa kuwii horkacayey dableyda isla markaana qaadatay bastooladaha.
Liibaan Ibraahim Barre [Jeega Cadde], oo xabsi daa'in loogu xukumay dilal ka dhacay Muqdisho. Salaad Xuseen Buule [Timo-jilac] oo weerar ka fuliyey Puntland, bishii Maaj, 2016 wuxuuna ku xukumaa 15 xarig.
Mubaarak Ibraahim Iidle, oo ah maxbuuska kaliya ee baxsaday wuxuu Al-Shabaab uga soo dagaalamay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari. November, 2014 baa laga soo qabtay duleedka Muqdisho; 10 sano buu ku xukumanaa.
Iidle oo ahaa maxbuuskii ugu horeeyay ee rasaasta bilaabay wuxuu toogtay sarkaal ku dhowaa albaabka qolka uu ku jiray. Wuxuu sidoo kale kamid ahaa maxaabiista dhar-cadda xukunkoodu dhamaadka yahay.
Maxamed Yuusuf Tooxow waa magaca sarkaalka uu dilay. Hase ahaatee, waxaa ka baxsaday mid kale oo hayey furaha qolalka maxaabiista kale. Ciidamadda ayaa kadib bilaabay rasaasta, halkaasoo iska hor-imaadka ka dhashay.
Maxaabiista dhar-cadda ayaa loo adeegsadaa in ay ka caawiyaan saaxiibadooda kale dhaqida dharka iyo in ay dibada kasoo qaadaan agabyadda culus.
Mubaarak oo ku baxsaday Mooto uu ka dishay darawal Bajaaj waxaa uu ka boodey darbiga Xabsiga. Ilaa hadda, lama ooga meeluu aadey.
Khuburada ammaanka ayaa aaminsan in weerarkii xabsiga Dhexe uu dibadda u soo saarey baylo ka dhex-jirta, guuldaro dhanka sirdoonka ah iyo in aan wax laga qaban digniino ay xabsiga ka bixiyeen saraakiil dhanka ammaanka ah.
Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo lagu xiro xukumaneyaasha loo haysto Al-Shabaabnimada, Daacishnimada iyo shaqsiyaadka kale ee dambiyada kale lagu eedeeyo waxay maxaabiista ku helaan adeegyada telefoono iyo internet.
GAROWE ONLINE