Weeraro ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose; khasaaro jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa labo weerar ku qaadey goobo kala duwan, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose maanta oo Arbaco ah.

Saraakiisha amniga gobolka ayaa xaqiijiyay in weerarka hore uu ka dhacay degaanka Ceel-Saliini, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay isku dayeen inay dagaal toos ah ku galaan saldhi ay degan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Weerarka Ceel-Saliini oo billowday 2 a.m. [Saqdii Dhexe xalay], ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay u suura-gashay inay mudo kooban la wareegto saldhiga militeri, iyadoo dagaalyahanada Kooxda ay gubeen dhowr gaari oo kuwa ciidanka ah.

Ciidamada dowladda ayaa markii dambe dib ula wareegay saldhigooda, waxaana wararku ay sheegayaan in Al-Shabaab ay halkaasi ka boobtay saanad militeri, oo hub u badan, sida ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dadka degaanka.

Weerarka labaada ayaa lagu qaadey degmada Qoryooley, oo 120-KM dhanka Koonfur uga beegan Muqdisho waaberigii saakay, saacadu markay ahayd 5 a.m., waxaana halkaasi ka dhacay dagaal toos ah oo khasaaro kasoo gaarey Al-Shabaab.

Saddex xubnood oo kamid ah Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaalka Qoryooley, kaasoo ku billowday qaraxyo lagu burburiyay laba buundo oo laga soo galo magaaladda, oo gacanta dowladda ku jirtay tan iyo sanadkii 2014-kii.

Weerarada ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka ay ka socdaan howlgallo militeri oo ay kawada qeyb-qaadanayaan ciidamada dowladda, AMISOM iyo kuwa Mareykanka, kuwaasoo Al-Shabaab looga saarayo dhamaan degaanada wali ku harsan gacanteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM