Weeraro khasaaro geystay oo ka dhacay HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay kadib markii weerar gaadmo ah ay dabley la tuhunsan yahay in ay Al-Shabaab ahaayeen ku ekeeyeen fariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degmadda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe habeenimadii xalay.

Weerarkaas ayaa, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil amni iyo goobjoogeyaal, wuxuu ka dhacay aagga Kulanka Yalow-Farxaan oo dhaca wadada ka timaadda caasimadda maamulka HirShabelle ee Jowhar.

"Khasaaraha waxaa laga yaabaa in uu intaas ka badato maadaama weerarka uu dhacay xilli habeen ah," ayuu yiri sarkaal sababo ammaan uga gaabsaday magaciisa in loo adeegsado saxaafadda.

Bil kahor, qarayxo ka dhacay isla aagaas oo kontarool ciidan ah ayaa sababay dhimashadda iyo dhaawaca rayid iyo askar.

Dhanka kale, weerar bam-gacmeed ayaa xalay waxaa lagu qaadey fariisin ay ciidamadda AMSIOM ku leeyihiin xaafadda Horseed ee magaaladda Jowhar. Askarta AU-da waxay ka jawaabeen weerarka.

Illaa haatan, ma cadda khasaaraha dhabta ee ka dhashay weerarkan. Balse, waxaa laga cabsi qabaa in dad shacab ah wax ku noqdeen.

Ammaanka degaanadda HirShabelle gaar ahaan magaala madaxda iyo tuulooyinka ku hareereysan ayaa u muuqda kuwa faraha kasii baxaya xilli khilaafka ka dhashay doorashadii Guudlaawe aan wali la xalin waqtiga coddeynta heer federaalna ay si weyn foodda nagu soo hayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM