Wejiyada walaaca in Al-Shabaab ay "farageliso" doorashada soo aadan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Bishii June 31-keeda, 2020, Villa Soomaaliya ayaa saadaalisey in Al-Shabaab xubno ku yeelan karto baarlamaanka soo aadan ee waddanka, iyagoo qiil ka dhigatay nidaamka qabiilka ee loo yaqaano 4.5.

Sheegashadaas kadib, waxaa isa soo tarayey dhinacyadda falanqeynaya mawduucaan, kuwaasoo si muuqata dooda u yeelay laba weji, taasoo la macno in qaar ay taageerayaan Madaxtooyadda, qaarna ay naqdiyeen.

Cabdi Cali, mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka 9aad ee federaalka, ayaa u sacabo tumo qiyaastaas ay Dowladda sameysay, isagoo ku xoojiyey in Al-Shabaab ay ku dhex-milantay Ururada Bulshadda iyo Dhalinta.

"Shabaab dhallinyaraday ka mid yihiin, Odayaasha dhaqankay ka mid yihiin iyagaana isku daray oo baarlamaanka soo socda, inta ugu badan odayaashu waxay qaadanayaan wixii ay u yeeriyaan, aniga Odigeyga Shabaab ayuu ka diiwaan-gishan yahay waxay iyaga armaan buu sameynayaa. Marka, baarlamaanka soo socda 50% wuxuu noqon karaa Al-Shabaab," ayuu ka sheegay kulan dood ah oo Talaadadii lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Heshiiskii doorashada 2020-21 ee Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda dowladda federaalka iyo maamulada ayaa dab kusii shiday walaacaan maadaama dhigayo in coddeynta soo aadan ay noqto mid ku saleysan habka qabiilka.

Hase ahaatee, xubnaha naqdinaya doodaas uuna kamid yahay Xasan Yarre, sharci-dejiye Aqalka Hoose, waxay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya in doodaas ka iibineyso Beesha Caalamka si ay sharciyad ugu hesho dheereysi.

"Arrinta uu ka dhawaajiyey Xildhibaan Cabdi Cali waxaa lagu raadinayaa muddo kororsi. Waa wax laga gadayo Xalane iyo meelahaas oo la leeyahay Xildhibaanada soo socda Shabaab ayay noqonayaan. 2012-kii, magaalada Muqdisho Al-Shabaab ayaa inta badan haystay, hal Xildhibaan ayaana wax soo xulayey, Shabaabna masoo gelin baarlamaanka. 2016-kii, Shabaab awood ayay lahaayeen baarlamaan uu Shabaab soo galay oo annaga aan ahayn ma jiro. Hadda oo dadkii il-baxeen, hay'adihii ammaanka shaqeynayaan oo ay joogaan dowlad goboleedyadii, Shabaab soo galayo baarlamaanka ma jiree, waxaa la rabaa in baarlamaankan sii joogo," ayuu carabka ku dhuftay isagoo u jawaabaya dhigiisa Cabdi Cali.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Xirsi Cali oo BBC-da u waramay todobaadkii hore, ayaa carabka ku dhuftay in qodobka ku jira heshiiska doorashada ee xeerinaya in Ururada Bulshada laga qeybgeliyo soo xulista Xildhibaanada cusub daaran yahay in laga hortago "in ay soo baxaan" mudaneyaal u jaran-jeera ama kusoo baxay saameynta Al-Shabaab ama Daacish.

Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa 31-dii August wuxuu shaaca ka dhigay in Al-Shabaab ay bilooyinkii lasoo dhaafay ka daabushay Muqdisho ergada soo xushay baarlamaanka hadda jooga.

Hubanti la'aan, argagixisada gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa isku dayeysa in ay farageliso doorashada soo aadan, iyaddoo maleegeysa in ay odayaasha u soo saaraan xubno taageersan ama in ay ka hor istaagto in ay ka qeybgalaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM