Wiil uu dhalay madaxa Ahlusunna oo xildhibaan loo doortay

Image
Cabdisamad ayaa ku soo baxay cod gacan tag ah kadib markii ay tanaasushay Xamdi Cali Shire

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Cabdisamad Macalin Maxamuud, oo oo uu dhalay hoggaamiyaha Ururka Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa khamiista maanta ah ku soo baxay doorasho la sii saadaalinayay oo ka dhacday Dhuusamareeb.

Cabdisamad ayaa ku soo baxay cod gacan tag ah kadib markii ay tanaasushay Xamdi Cali Shire oo la tartami laheyd kursiga Hop#139.

Hoggaamiyaha Ahlusunna ayaa Dhuusamareeb dagaal looga saaray horaantii 2020, waxa uuna October 2021, dagaal socday in ka badan 5 maalin Guriceel kula galay ciidanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa maamulka Galmudug. Wali heshiis ma aysan gaarin Galmudug iyo Ahlusunna waxaan tuulada Bohol ee hoostagta Dhuusamareeb ku sugan ciidamo amar qaata Sheekh Shaakir.

Dad badan ayaa iswaydiinaya sida ay Cabdisamad ugu suurta gashay in uu ku soo baxo doorashada ka dhacday Dhuusamareeb sababo la xiriira dagaalka u dhexeeya Aabihiis iyo hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Sarkaal ka tirsan guddiga doorashada ayaa Garowe Online u sheegay in beesha uu ka soo jeedo Cabdisamad oo degta Caasimadda maamulka ay adkaysay Axmed Qoor Qoor in uusan siyaasadayn kursigaan lana siiyo qofka ay u rabaan.

Cabdisamad oo laba mudo xileed soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka iyo wasiirka arrimaha guddaha Dowladda Faderaalka ayaan la ogayn waxa uu ka qaban karo khilaafka gacan ka hadalka sababay ee u dhexeeya maamulka Galmudug iyo Ururka Ahlusunna oo horay uga arrimi jiray inta badan deegaanada maamulkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM