Xaaf oo kalsoonida kala noqday Villa Soomaaliya kuna dhawaaqaya guddi
DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa ku dhawaaqay in uu ka laabtay kalsoonidii uu dowladda federaalka ugu wareejiyay in ay maamusho doorashadda Galmudug.
Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed xafiiska Xaaf kasoo baxay, go'aankan ayaa ka dambeeyay markii xukuumadda aysan dhaqan-gelin is-afgaradyo horey u dhexmaray labadda dhinac.
Bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa lagu xusay in uu Xaaf soo magacaabi doono Guddiga ka shaqeynaya Doorashooyinka iyo dib u hesiisiinta dowlad goboleedka Galmudug.
Hoos ka akhriso bayaanka
GAROWE ONLINE