Xaalad bini aadamnimo iyo macaluul ka jirta degmada Waajid

Image

January 19, 2015 (GO)- Xaalad bini aadamnimo oo aad u daran ayaa laga soo sheegayaa degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasoo muddo 10 bilood ka badan kooxda al-Shabaab go'doon ku hayso.

Guddoomiyaha Waajid Xasan Aadan Cali oo la hadlay laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda VOA ayaa sheegay in macaluul baahsani ka jirto Waajid iyo deegaanada hoos taga. Dadka ugu badan ee macaluusha iyo nafaqo darradu saameysey wuxuu sheegay inay yihiin carruurta yaryar iyo dadka waayeelka ah.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inuusan jirin wax raashin ah oo degmada Waajid soo galay laga soo bilaabo bishii March ee sanadkii hore, marka laga reebo raashin kooban oo Dowladda Federaalku degmadaas ku gaarsiisey diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidamada AMISOM.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Waajid wuxuu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iyo hay'adaha samafalka inay si dhaqso ugu soo gurmadaan dadka tabaaleysan, isagoo ka digey in hadii xaaladda si dhaqso ah loogu soo faragelin waayo ay kasii dari doonto.

Al-shabaab ayaa go'doomisey degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobollada Bakool, Bay iyo Hiiraan kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen. Kooxdu waxay diidey in maciishadda daruuriga ahi u gudubto deegaanadaas arintaasoo dhibaato weyn ku noqtay bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM