Xabad joojin la dhex-dhigay beelo ku dagaallamay Baladweyne

Image

15 December, 2015(GO)-Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay inay ku guulaysteen xabad joojin lakala dhexdhigo beelo laba maalin ku daagallamay magalada Baladweyne xarunta gobolkaas.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo arrimaha bulshada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa tilmaamay inay hirgali doonto nabad laga abuuro xaafadda Howl-wadaag, wuxuuna sheegay inay tallaabo sharci ka qaadi doonaan ciddii ku xadgudubta dadaallada nabadeed.

Odoyaasha dhaqanka labada dhinac iyo kuwa gobolka Hiiraan, ayuu xusay inay gacan ka gaysteen xallinta colaadda sababtay khasaaro nafeed oo muddo ku soo laab-laabatay magalada. Ciidamada labada mallayshiyo ayuu sheegay in dhakhso loo kala qaadi doono.

In kabadan 50 qof ayaa ku dhaawacantay, 20 kale waan ku dhinteen dagaallo xooggan oo dhexmaray mallayshiyo beeleed ku dagaallamay mid ka mid ah xaafadaha magalada Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM