Xamse Cabdi Barre oo helay kalsoonida baarlamaanka 11aad

Image
Xamza ayaa noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuuna badalayaa Maxamed Xuseen Rooble.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay si aqlabiyad leh u meelmariyeen ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Sidda uu sheegay guddoonka Aqalka Hoose, 220 mudane oo fadhiga soo xaadirtey ayaa qaab gacan taag ah ku ogolaatay magacaabida Xamse. Ma jiro xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Kulankan maanta qabsoomay oo la filayey inay Arbacadii yeeshaan Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib ugu dhacay maadaama ay dalka ka maqnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Mr Barre ayaa maalmihii tegay kulamo gaar gaar ah la yeelanayey xildhibaannada baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo xooggan.

Xildhibaano badan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka qaba inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, taasi oo u sahleysa Xamza inuu helo codka kalsoonida.

Caqabadda ugu weyn ee Xamza hortaalla ayaa imaneysa marka uu soo dhiso golaha wasiirada, markaasi oo xildhibaano badan oo golaha iska waaya la filayo inay caqabad ku noqdaan ansixinta golaha wasiirada.

Xamza ayaa noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuuna badalayaa Maxamed Xuseen Rooble oo ah wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM