Xamse oo Diiday Inuu Ka Jawaabo Gefka Trump u geysanayo Soomaaliya

Image

MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si ula kac ah uga aamusnay hadallada naceybka iyo naceyb-kicinta leh ee uu maalmahan jeedinayay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, isagoo ku tilmaamay “mid aan mudnayn in laga dhigo buunbuunin siyaasadeed.”

Isagoo ka hadlayay Shirka 6aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka Dhalinyarada 2025, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in jawaab celin la siiyo Trump ay sii kordhin lahayd hadalladiisa iyo muranka uu doonayo.

“Trump in aan u jawaabno oo hadalkiisa micne u yeelno waxaa ka dhib yar in aan iska dhaafno. Soomaaliya kaliya ma aflagaadeyn ee dalal badan ayuu wax ka sheegay; Nigeria ayuu ka hadlay, South Africa ayuu ka hadlay. Marka ma aha wax weyn oo muhiim laga dhigo,” ayuu yiri Xamse.

Hadallada sii kordhaya ee Trump ayaa cabsi iyo walaac geliyay Soomaalida ku nool Mareykanka, kuwaas oo sheegay in hadalladiisu sare u qaaday khatarta iyo naceybka ay dareemayaan.

Bayaan Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid saacado kaddib markii Trump mar kale ku celiyay hadallo naceyb iyo kala-sooc ku dhisan oo uu si toos ah ugu weeraray bulshada Soomaalida ee Mareykanka, isaga oo ku tilmaamay “qashin” aan mudnayn in lagu soo dhaweeyo dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM