Xamse oo xilka kala wareegay Maxamed Xuseen Rooble

Image
Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa guda galaya maalmaha xulashadda xukuumadda cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Maxamed Xuseen Rooble kadib munaasabad si ballaaran loosoo agaasimay oo ka dhacdey Muqdisho.

"Howsheyda kowaad waxaa ay aheyd qabashada doorashada, ka gudbida marxalada kala guurka aheyd ee dalka uu soo maray, Waxaana noo suuragashay in aan ku guuleysano," ayuu Rooble yiri.

Xamse oo hadal kooban jeediyey ayaa dhankiisa wuxuu madasha ka sheegay "Maxamed Xuseen Rooble, waxaa uu dalka kasoo bixiyay Marxalad aad u adag".

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa guda galaya maalmaha xulashadda xukuumadda cusub. Shantii sano lasoo dhaafay, ra'iisul wasaareyaashii ka horeeyay waxay kusoo dhiseen xukuumad 50 casho gudaheeda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Dhismaha xaruntan oo ay maalgalisay dowladda Qatar, kuna taala halkii horay loo oran jiray Xarunta Xisbiga ee degmada Warta Nabadda ayaa isugu jira, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Xarunta Xukuumadda, hoyga Ra'iisul Wasaaraha, guriga martida iyo masjid.

Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya iyo injineerrada dhisaya xarunta ayaa Ra’iisul Wasaarah cusub warbixin ka siiyay heerarkii ay soo martay howsha dhismaha xafiisyada xukuumadda oo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu ay dhawaan ku shaqo bilaabi doonaan.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa cod dheer wuxuu uga mahadceliyey cid walba oo gacan ka geysatay dhismaha xaruntan oo muhiim u ah habsami u socodka adeegyada ay Xukuumaddu u qabanayso bulshada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM