Xamse: Waxaan u baahanahay gurmad inta xaaladu kasii darin

Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu la kulmay wafdi ka socda hay’adda Qatar Foundation.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda Qatar Foundation oo ay ka wada hadleen sidii loogu soo gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar mashaariicda ay ku taageerayso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaare  Xamse ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ballaaran ku yeeshay noloshada dadka iyo duunyada, loona baahan yahay in gurmad deg deg ah loola gaaro dadka inta aysan xaaladda ka sii darin.

Barre ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siinayso gurmadka abaaraha iyo sidii mustaqbalka xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo laalaabta.

Masuuliyiinta ka socday Hay’adda Qatar foundation ayaa tilmaamay in hay’addoodu ay doorkeeda ka qaadan doonto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM

Fiqi: Hubkii Masar waxaa loo Adeegsaday Dagaal Sokeeye

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 12:18PM