Xaqiiqada "daahsoon" ee xaaladaha safmarka Coronavirus ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sidda ay muujineyso xog-uruurin ay sameysay Xarunta Qaran ee Covid19, degmada Hodan ee Muqdisho waa meesha ugu badan oo ay joogaan dadka isku arkay calaamadaha safmarka Coronavirus.

Mas'uuliyiinta waxay aaminsan yihiin in tani ay sabab u tahay degmadda oo ay ku badan yihiin; dadka, huteelada iyo maqaayadaha.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan ka baartay xanuunka in ka badan 1,400, waxaana laga helay 835, taas oo ka dhigan 60 boqolkiiba.

Aad bey u badan tahay balse dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in tiradan aan lagu lifaaqi karin in cudurka uu bulshadda ku dhex-faafay "maadaama bukaanada ay soo xusheen dhakhatiirta markii laga shakiyey".

Awooda uu dalku u leeyahay in uu dad badan ka baaro xanuunka ayaa hooseysa, taas oo yareyneysa fursadda qof walba lagu baari karo.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka, Soomaaliya maalintii waxaa la baaraa 60-70 qof. Turkiga ayaa dhowaan ka dejiyey magaalada caasimada ah ee Muqdisho agab horleh oo lagu baaro xanuunka dilaaga ah.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa shaaca ka dhigay in xarunta karantiilka ee Isbitaal Martiini ay ka jirto baahi loo qabo dhakhaatiir badan maadaama ay kaliya joogaan 28 dhakhtar.

Wallow ay wehliyaan kalkaaliyeyaal, badankooda waxaa laga helay caabuqa, ugu yaraan hal kalkaaliso ayaa u geeriyootay iillaa iyo hadda.

Tobban kamid ah dhakhaatiirta waxaa ayaa ka howlgala Isbitaalka Erdogan; 13 xirfadyaal caafimaad waxay ka tirsan yihiin Wasaaradda Caafimaadka, sidda uu illo wareed kasoo xigtay Barnaamijka Galka Baarista.

Isbitaalka Martiini, xarunta lagu kaliya ee lagu daaweeyo fayruska, waxaa yaala 76 sariirood oo 20 kamid ah u qalabeysan daryeelka deg-deg ah.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Isbitaalka Banaadir u diyaarineyso xarunta labaad ee lagula tacaalo xanuunka. Wasaaradda waxay beenisay in Martiini ay dad ugu dhinteen koronto la'aan.

Isku soo wada-duub, Soomaaliya ayaa ah waddanka labaad ee dadka ugu yar ka baarey Coronavirus dalalka deriska la lah, hase ahaatee, waa Qaranka labaad ee soo wariyey xaaladaha ugu badan, wallow ay sii kordhi karaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM