Xarun ay lahayd Al-Shabaab oo "lagu burburiyey" duqeyn cirka ah

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Mareykanka ayaa tafaasiil dheeri ah ka bixiyey laba duqeyn oo 6-dii Febraayo, 2020, ay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in lala eegtay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd halkaas.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in xarun ay Al-Shabaab lahayd "si weyn loogu burburiyey mid kamid ah duqeymaha".

"Laba kamid ahaa argagixisadda Al-Shabaab ayaa ku dhaawacmay labadda duqeyn," ayuu raaciyey war-saxaafadeedka.

Talika Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa meesha ka saarey in waxyeelo soo gaarey shacab ay ka dhasheen howlgalka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Mareykanka oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Afar maalmood kahor ayay ahayd markii duqeyn Mareykanka uu ka geystay degaano ka tirsan Jubada Hoose la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalame ka tirsanaa xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Waxa kaliya ee aan wax ku nahay waa Cadaaladda 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhacdadii ugu dambeysay — oo ahayd dil loo geystay nin rakaab ahaa kaddib muran ku saabsan laba doollar.

  • Soomaliya

    27-11-2025

  • 05:50PM

AFRICOM oo Duqeymaha Daacish ee Puntland Gaarsiisay Heerii Ugu Sareeyay

Ma jirto illaa iyo hadda warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha saxda ah ee ka dhashay duqeymaha ugu dambeeyay.

  • Soomaliya

    27-11-2025

  • 05:35AM