Xarun ay leedahay Al-Shabaab oo la duqeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taluska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in uu 18-kii Janaayo, 2020 uu duqeeyay xarun AlShabaab ay ku lahayd degaanka Tiyeeglow ee gobolka Baay ee mamulka Koonfur Galbeed.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay AFRICOM, howlgalkaas waxaa lagu dilay hal maleyshiyo oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

"Qiimeynta aan illaa haatan sameynay waxay muujineysaa iin aysan jirin waxyeelo shacab kasoo gaarey duqeyntaas," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin duqeyntaas lala eegtay maleyshiyadda hubeysan.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa dhankooda waxa aysan wali ka falcelin sheegashada Washington.

"AlShabaab waxay Soomaaliya ka fulisay weeraro argagixiso oo ismiidaamin jamid yihiin kana mid yahay beegsigii ugu dambeeyay ee hogaanka taliska Danab iyo ololihii ugu dambeeyay ee barakicinta shacabka," ayuu yiri Dagvin Anderson, taliyaha howlgalka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya.

Dagvin Anderson ayaa tilmaamay in ay sii wadayaan baacsiga iyo burburinta AlShaabaab.

Horaantii, todobaadkan ayay ahayd markii taliyaha ciidamada Danab iyo sarkaak kale oo kamid ciidamada Soomaaliya lagu qarxiyey degaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dhaawwc culus uu kasoo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM