Xarun ay leedahay Al-Shabaab oo la duqeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taluska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in uu 18-kii Janaayo, 2020 uu duqeeyay xarun AlShabaab ay ku lahayd degaanka Tiyeeglow ee gobolka Baay ee mamulka Koonfur Galbeed.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay AFRICOM, howlgalkaas waxaa lagu dilay hal maleyshiyo oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

"Qiimeynta aan illaa haatan sameynay waxay muujineysaa iin aysan jirin waxyeelo shacab kasoo gaarey duqeyntaas," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin duqeyntaas lala eegtay maleyshiyadda hubeysan.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa dhankooda waxa aysan wali ka falcelin sheegashada Washington.

"AlShabaab waxay Soomaaliya ka fulisay weeraro argagixiso oo ismiidaamin jamid yihiin kana mid yahay beegsigii ugu dambeeyay ee hogaanka taliska Danab iyo ololihii ugu dambeeyay ee barakicinta shacabka," ayuu yiri Dagvin Anderson, taliyaha howlgalka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya.

Dagvin Anderson ayaa tilmaamay in ay sii wadayaan baacsiga iyo burburinta AlShaabaab.

Horaantii, todobaadkan ayay ahayd markii taliyaha ciidamada Danab iyo sarkaak kale oo kamid ciidamada Soomaaliya lagu qarxiyey degaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dhaawwc culus uu kasoo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM