Xarunta dowlada hoose ee degmada Kismaayo oo bam lagu tuuray

Image

November 11, 2014 (GO)-  Bumbo nooca gacanta ah ayaa  saaka lagu tuuray xarunta dowlada hoose ee degmada Kismaayo.

Bamka oo laga soo ridey dhabarka dambe ee xarunta waxaa ku dhaawacmay shan qof oo qaarkood yihiin shaqaale ka tirsan dowlada hoose.

Goobta qaraxu ka dhacay oo ku dhow saldhigga booliska degmada waxaa qaraxa kadib soo gaarey booliska oo halkaas ka sameeyey baaritaan mudo kooban socdey.

Qaraxan ayaa kuso aadaya maalin kadib markii labo qarax oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubaland magaalada Kismaayo ka dhaceen.

Al-shabaab ayaa kordhisey weerarada ay ka geysaneyso magaalada Kismaayo laga soo bilaabo markii ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa AMISOM bilaabeen hawlgalka balaaran ee Al-shabaab looga sifeynayo Jubbooyinka iyo Gedo.

Shalay kooxdu waxay dib uga baxday jaziiradda Kudhaa oo saddex maalmood kahor ay qabsatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM