Xasan Abshir: Halkee lagu aasayaa ra'iisul wasaarihii hore ee dalka?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa siyaabo kala gooni ah u magacaabay guddiyo agaasimaya Aas Qaran oo loo sameynayo Xasan Abshir Faarax oo shalay ku dhintay Turkiga.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka kooban sagaal xubnood oo isugu jira wasiiro, taliyeyaal iyo mas'uuliyiin kale, waxaana hogaaminaya Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka cadaaladda.

Dhanka kale, guddiga Khayre uu magacaabay ayaa waxaa xubin ka ah wasiiro iyo xubno kale, iyaddoo kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen gudoomiyey ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

"Dowladda ayaa go'aamisay in mudda sexad maalin ah calanka hoos loo dhigo si loogu Baroor diiqo Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasn Abshir Faarax oo qeyb muhiim ah ka qaatay dib-u-yagleelidda dowladnimada Soomaaliya," ayay tiri xukuumadda.

Xubno ka tirsan qoyska marxuumka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in meydkiisa lasoo marsiin doono magaala madaxda dalka ee Muqdisho isla markaana halkaas salaada Janaasada lagula soo tukan doono.

"Salaada Janaazada kadib, Meydka, ALLE ha u naxariistee marxuumka, waxaa loosoo qaadi doonaa caasimadda dowladda Puntland ee Garowe oo lagu aasi doono," ayay hadalkooda intaas sii raaciyeen.

Xukuumadda Puntland oo ku dhawaaqdey saddex maalin oo baroor-diiq ah calankana hoos u dhigtay ayaa shaacisay in loo sameyn doono Aas Qaran Xasan iyo madaxweynihii hore ee maamulka, Maxamed Cabdi Xaashi.

Labada marxuum ayaa ku kala xanuunsanayey wadamada Kenya iyo Turkiga, halkaas oo ugu dambeyntii ay qadarta EBBE ugu timid, wallow aan wali la shaacin sababta keentay dhimashadooda.

Xasan Abshir oo ku dhintay 75-sano jir ayaa soo qabtay xilal uu kamid yahay; ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, duqa Muqdisho, wasiirka arrimaha gudaha Puntland iyo Xildhibaan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM