Khayre oo shaaciyey in uu goobayo kursiga madaxweynaha Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaarihii 19aad ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ku dhawaaqay in uu murashax-mdaxweyne u yahay doorashooyinka soo aadan ee waddanka.
Khayre oo qoraal ku faafiyey ciwaanada uu ku leeyahay barahiisa gaarka ah ee xiriirka dadweynaha ayaa in talo badan uu geliyey kahor inta uusan go'aanka ugu dambeeya shaacin.
"Bismillah, Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare," ayuu yiri.
Bayaanka oo aad u koobnaa ayaa waxaa intaas lasii raaciyey: "Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.
"Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS," ayuu xusay.
Wuxuu kusoo xiray: "Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo. Mahadsanidiin".
Shaacintaan ayaa imaaneysa 50 maalmood kadib markii Golaha Shacabka uu qaab muran dhaliyey kalsoonida ugala noqdey xukuumadii Khayre, iyaddoo wali aan la magacaabin bedelkiisa.
Ku dhawaaqistaan ayaa kusoo hagaagtay iyaddoo qorshuhu yahay in maalmaha soo aadan ay Muqdisho ka bilowdaan wada-xaajoodyadda dowlada Farmaajo iyo maamulada ee arrimaha doorashooyinka.
Dadka qaar ayaa talaabadan ku fasiray mid uu Khayre ku doonayo in uu kaga mid noqdo saamileyda go'aan ka gaareysa masiirka coddeynta, halka qaar kale ku qeexeen in uu "ugu darnaayo Farmaajo".
Khayre oo madax kasoo noqdey shirkad arrimaha shidaalka ka shaqeysa iyo hay'ad gargaarka qaabilsan ayaa jagada ra'iisul wasaaraha loo xushay Febraayo, 2017, isagoo xafiiska joogay qiyaastii 1,247 maalmood.
GAROWE ONLINE