Xasan Daahir Aweys oo weeraray Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xasan Daahir Aweys oo mar kale muuqaal kasoo dhex-duubay xabsi guriga uu ku jiro ayaa weerar afka ah ku qaadey madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo iyo taliyaha sirdoonka, Fahad Yaasiin Daahir.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo ee sanadkan 2021-ka ayuu si gaar ah uga digay in uu isku dayo in uu dalka ka qabto doorashooyin hal dhinac ah iyo in uuu xoog ku xukumo waddanka.

Sidda laga soo xigtay Aweys oo muuqaalka uu iska soo duubay ku baahiyey Facebook, Farmaajo waa in uu ku waano-qaato qaabkii xukunka looga riday Maxamed Siyaad Barre iyo taariikhda ka dambeysay "halgankaas".

"War ninyahow waxaa kula talinayaa kiiskan haku ceeboobin, sharciyad waa ka dhamaatay, wax kale kuu diyaar malahan, haddaad damacdo in aad xoogtid, dadkaan waa dadkaas dhagaha fur Farmaajo, labo meel ayaa ka tusayaa, mid waxa weeye dadka hadda kaa soo horjeeda waa dadkii Maxamed Siyaad Barre, markii awoodda heystay oo xukun adag heystay waa nimankii meesha ka saaray, waa kuwee, Hawiye, Daarood oo aad ka dhalatay, meeshaan haku ceeboobin ummadda balaayo ha u soo jeedin, si quman ku joog, ama si quman uga bax, dalkaan halis ayuu galayaa haddii fidno ay dhacdo," ayuu si furan uga dhawaajiyey.

Xilli uu Fahad Yaasiin ku sifeeyay maskaxda ka damnbeysa qorshahaas, u adeegsiga ciidamadda in uu ku beegsado siyaasiyiinta kasoo horjeeda iyo in uu ku goobo damaciisa siyaasadeed ee shaqsiga ah ayuu si gaar ah uga digay Farmaajo.

"Mid kale waa ku sheegi lahaa, wiilkaan ha iga loogin (Fahad) waxbuu igu fadhiyaa waxa sheegayaa Fahad. Axmed Salebaan Dafle kamana ciidan badna, kama tol badna," ayuu intaas ku daray Aweys oo ku xiran xarunta NISA ee Muqdisho.

Hadalka Xasan Daahir Aweys ayaa kusoo aadaya iyaddoo heer-kulka siyaasadeed, kala shakiga iyo is-aaminaad la’aanta daneeyeyaasha ama saamileyda uu sarreeyo ayna ka dhalatay talaabooyinka halka dhinac ah Madaxtooyadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM