Xasan: Doorasho Guud ma Dhacayso 2016 Somalia [Dhageyso]

Image

July 30,2015 (VOA)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in caqabado jira darteed aan doorasho hal qof iyo hal cod la qaban karin 2016, balse ay ka tashan doonaan sida wax loo dooran doono.

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in dowladiisa loo igmaday inay dalka doorasho ku hoggaamiso, balse haatan ay hay'addaha dowladdu isla garteen in doorasho hal qof iyo hal cod ah aanay qabsoomi karin sannadka danbe ee 2016 duruufaha jira aawadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dhawaan la soo saari doono go'aamo looga arrinsanayo qaabka looga gudbi doono sannadka 2016 marka uu dhammaado wakhtiga dowladda iyo baarlamaanka.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdu ay Soomaalida u soo bandhigi doonto qaab cusub oo ka duwan sidii dowladdiisa iyo baarlamaanka lagu doortay 2012.

Madaxweyne Xasan wuxuu ka hadlay muddo-korosi ay sameystaan dowladdiisa iyo baarlamaanka, wuxuuna sheegay in laga wada hadli doono toddobaadyada soo socda arrintaasi, wixii lagu heshiiyana la isla qaadan doono, balse wuxuu isago sheegay inuu ka soo horjeedo in muddo kororsi la sameeyo.

Dhageyso wareysi ay madaxweynaha la yeelatay VOA 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM