Xasan: Doorasho Guud ma Dhacayso 2016 Somalia [Dhageyso]

Image

July 30,2015 (VOA)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in caqabado jira darteed aan doorasho hal qof iyo hal cod la qaban karin 2016, balse ay ka tashan doonaan sida wax loo dooran doono.

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in dowladiisa loo igmaday inay dalka doorasho ku hoggaamiso, balse haatan ay hay'addaha dowladdu isla garteen in doorasho hal qof iyo hal cod ah aanay qabsoomi karin sannadka danbe ee 2016 duruufaha jira aawadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dhawaan la soo saari doono go'aamo looga arrinsanayo qaabka looga gudbi doono sannadka 2016 marka uu dhammaado wakhtiga dowladda iyo baarlamaanka.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdu ay Soomaalida u soo bandhigi doonto qaab cusub oo ka duwan sidii dowladdiisa iyo baarlamaanka lagu doortay 2012.

Madaxweyne Xasan wuxuu ka hadlay muddo-korosi ay sameystaan dowladdiisa iyo baarlamaanka, wuxuuna sheegay in laga wada hadli doono toddobaadyada soo socda arrintaasi, wixii lagu heshiiyana la isla qaadan doono, balse wuxuu isago sheegay inuu ka soo horjeedo in muddo kororsi la sameeyo.

Dhageyso wareysi ay madaxweynaha la yeelatay VOA 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM