Xasan: Itoobiya ma rabto bad waxayse doonaysaa dhul ay qabsato

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ka diidey inay wadahadal ka galaan qaddiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin cid u diiday Itoobiya inay badda gasho, laakiin su’aashu tahay sidee u doonayaa in aad badda u hesho?

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Itoobiya aysan raadinayn marinka badda balse ay doonayso “dhul ay qaadato”.

“Waxaan u sheegay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya – jooji hadalladan kicinta ah ee doonista badda - kaalay, aan wada hadalno. Aan samayno kooxo farsamo si ay uga wada xaajoodaan," ayuu u sheegay Al-Carabiya.

Wuxuu intaas ku daray: "Laakin ma uusan rabin in uu bad helo, waxa uu rabay dhul uu qabsado, taasi waa hadafka ugu dambeeya ee uu leeyahay, waana waxa uu ku sameeyay is-afgaradkan".

"Taas maaha wax la aqbali karo. Weligeed ma dhici doonto, waxaan kuu sheegayaa. Tani waa riyo (aan) weligeed noqon doonin mid dhab ah," ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Dhanka kale, isaga oo difaacaya is-afgaradka, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Itoobiya Redwan Hussien ayaa Axadii beeniyay in dalkiisu uu qorsheynayo inuu dhul qasado.

"Heshiiska Is-afgaradka ee aan la galnay Somaliland, waa heshiis iskaashi oo Itoobiya u sahlaya inay fursad u hesho marin badeed dhinaca ganacsiga," ayuu ku qoray ciwaankiisa X (Twitter).

Waxa uu hadalkiisa intaas sii raaciyay: "[Balse heshiiskaas ma ahan] mid aan ugu xadgudbayno madax-banaanida dal walba ama aan ku qabsaneyno qeyb kamid ah [waddan madax-banaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM