Xasan: Madaxweynaha carqalad kaliya ayuu u taagan yahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha xilliga ka idlaadey Farmaajo wuxuu xusul-duub ugu jiraa carqaladeynta heshiiska Musharaxiinta iyo Xukuumadda Xil-sii-gaarsiinta, sidda uu sheegay musharax madaxwayne.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxwaynihii 8aad ee Soomaaliya oo ka hadlayey kulan uu xisbigiisa UPD u qabtay abaabuleyaasha banaanbaxa Sabtida, ayaa weerar afka ah ku qaadey Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay Xasan Sheekh, kaalinta xukuumadda muddo xileedkeedu dhamaadey ee mudaaharaadka waa xaqiijinta ammaanka iyo ka hortagida suurtagalnimadda weeraro ay geystaan kooxaha argagixisadda.

Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu "dadka Soomaaliyeed barayo dhaqan aan wanaagsaneyn oo ah in awooda iyo sharciyadda lagu heli karo awood ciidan".

"Madaxweynaha waqtigiisa dhamaadey ee wali Villa Soomaaliya dadka wuxuu barayaa oo uu ku riixayaa 'in awooda iyo sharciga dowladnimada beebe iyo qori ayaa lagu gaaraa' waase waa waddo aan kasoo gudubnay, mana aqbaleyno. Waa nala xabadeeyay, waa nala dilay, waanna dulqaadanay," ayuu ka sheegay munaasabadda.

Wuxuu xusay: "Dowladda banaanbaxa isma lihin. Waajibkeeda waa in ay amniga sugto. Waa la arki karaa [taageereyaasha Villa Soomaaliya], waxayse noqon doontaa carqalad kale iyo wiifto kale oo banaanbaxsan".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in dowladda muddo xileedkeeda dhamaadey ay isku daydo in ay ka baxdo heshiiska ay la gashay musharaxiinta ayna dayacdo sugida amniga banaanbaxa.

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Odowaa, mudane Golaha Shacabka iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo isana ka hadlay munaasabadda, ayaa ku adkeystay in banaanbaxa uusan dib-u-dhici doonin.

"Hadii aad cayaar moodeen in kalitaliska ku jira Villa Soomaaliya cayaar ma ahan. Wax kasta oo uu kusii joogi karo in uu sameeyo ayuu diyaar u yahay. Kir in aan iska dhahno oo aan iska diidno ayaa ku filan," ayuu ka dhawaajiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM