Xasan: Madaxweynihii hore wali wuxuu ka raaracaa xukunka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo wuxuu wali ku dhegan yahay xukunka isaga oo ciidamadda u adeegsanaya dano siyaasadeed halkii uu ugu jiheyn lahaa ciribtirka ururka Al-Shabaab, sidda uu ku eedeeyay hogaamiyihii xafiiska ku wareejiyey afar sano kahor.

Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ah musharax madaxwayne ayaa hadalkaas ka sheegay shir jaraa'id oo Jimcadii ay Golaha Midowga Musharaxiinta ku qabteen Hotel Jazeera ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa adkeeyay in muhiim ay tahay in ciidanka dhexdhexaad noqdaan.

"Ciidamadda maanta waddooyinka Muqdisho taagan iyo qalabka ay haystaan ee waddooyinka ku xireen yey u haystaan hala fahmo? Gabar iyo wiil Soomaaliyeed oo banaanbaxaya ayay u haystaan. Khatarta Shabaab ku hayo dalkan meesha ay taagan tahay waa og-tihiin. Meel aysan tahdiid ku haynin ma jirto. Ciidanka iyo beebeyaashii loogu talagalay waa waddooyinka Muqdisho kuwa dhex-taagan. Madaxwaynihii hore ee wali ka raaraca xukunka iyo talada qarka uga dhegan ee deyn la' meesha uu maanta marayo waa intaas. Dadka Soomaaliyeed in ay fahmaan ayaan rabnaa," ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiga ayaa su'aal geliyey qaabka doorasho xor ah ku qabsoomi karto haddii Farmaajo uu diidan yahay in uu qabsoomo banaanbax nabadeed.
Ciidamadaas oo jidadka Muqdisho lagu soo daabulay Jimcadii shalay ahayd ayay dowladdu sheegtay in ay ugu talagashay in ay sugaan amniga mudaaharaadka musharaxiinta u qorsheysanaa Sabtida balse ay baajiyeen.

Sidda laga soo xigtay Xasan, musharaxiinta ayaan ka tanaasulin isla markaana aan marnaba ka tanaasuli doonan mudaaharaadka, waxaana ay dib ka shaacin doonan goorta iyo goobta uu ku qabsoomo ayaga oo amniga suganaya.

Musharaxiinta iyo Xukuumadda Xil-gaarsiinta ayaa isku maandhaafay cidda sugeysa ammaanka banaanbaxa. Wadaxaajoodyo tan iyo todobaadkii hore ku dhexmaray Muqdisho waxay kusoo dhamaadeen is-afgarad la'aan, iyadda oo arrimaha fashiliyey ay kamid tahay sugida ammaanka banaanbaxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM