Xasan Sheekh: Haddii Itoobiya soo gasho dalkeena waa iska difaaci doonaa
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalkiisu “is difaaci doono” haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiska ay ku doonayso inay saldhig ciidan uga samaysato maamulka Somaliland, isla markaana ay suurtogal tahay in maamulkaas ay u aqoonsato dal madax-bannaan.
“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabin doontaa, wayna diidi doontaa,” ayuu Maxamuud u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Talaadadii.
Xasan Sheekh oo wareysiga uu ku bixiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho oo ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayaa raaciyay: ""Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto".
Ma uusan sii faah-faahin tallaabada ay Soomaaliya qaadi karto. Geeska Afrika waxa soo maray colaado soo noqnoqday, kuwaas oo quudinaya dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee meelaha u nugul abaarta.
Wadamadda Itoobiya iyo Soomaaliya oo daris ah ayaa ku dagaalamay dhulka Ogaadeeniya sanadkii 1977-1978 iyo 1982-kii, waxaana halkaas ku dhintay dadyow badan.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in kaliya uu aqbali doono in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kala hadlo arrinta marka ay xukuumadda Addis Ababa ka tanaasusho rabitaankeeda “in ay qayb ka qaadato dalkeena”.
Afhayeenka dawladda Itoobiya ayaan ka jawaabin codsi faallo ah. Abiy ayaa horay u sheegay in Itoobiya aysan qorshaha ugu jirin in ay colaad ka bilowdo Soomaaliya, ayna isku dayeyso oo kaliya in ay wax ka qabato baahideeda dhanka badda.
Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii Jannaayo heshiis is-afgarad ah ku heshiisay in 20 km (12 miles) oo xeebta ah laga kireeyo Somaliland - dhul ay Soomaaliya sheegtay in ay leedahay, inkasta oo gobolka Waqooyi uu helay is-maamul wax ku ool ah tan iyo 1991-kii xilligaas oo ay shaaciyeen in ay go'een wallow si rasmi ah la aqoonsan.
GAROWE ONLINE